Skip to content

Todoba nin oo madaw ah aya lagu eedeaeyay İnay haweenay cadaan ah ugaysteen kufsi sanadkii 1949.

Gudoomiyaha gobalka Virginia Ralph Northam ayaa cafis u fidiyay todoba nin oo madaw ah
kuwaaso haweenay cadaana ugaystay kufsi, kiiskan oo soojiitamayay mudo ayaa codsiyada
naxariista aduunka ayaa sanadihii ugu dambeeyay lagu cambaaraynaya farqiga jinsiyada ee
ciqaabta dalka.

Northam ayaa cafis ku dhawaaqay kadib markii uu baroor iyo qayla dhaan kala kulmay u
doodayaashooda.

Ruby Stroud Floyd oo jirta 32, aya tagtay xaafado badanka madaw oo ku taalay Martinsville
Virginia bishii Janaayo 8 1949 kii taasoo u aaday si’ay usoo uruursato lacago ay dhar ku
iibinaysay.

Kufsiga oo wakhtigaas ahaa mid dil ah ayaa hadana si gaara ugu qotomay dadka madawga ah,
lagasoo bilaabo 1908 markii ay Virginia keensatay kursigii korontada ahaa ilaa 1951 hadaba
taariikhda gobalka ayaa muujinaysa in dhamaan 45 tii qofee lagu fuliyay kursigan ay ahaayeen
dad madaw ah.

James walter Grayson, waa wiilka Frances Desales Grayson, waxa uuka mid ahaa todobadii
nin. Isagoo aad u ooyay markii uu maqlay in Northam uu cafis ufidinayo qoysaskoodii, “ waad
mahadsatahay waad mahadsantahay ayuu ku yiri isagoo ooyaya”. Grayson oo sheegay inuu 4
sano jiray markii aabihiis ladilay.

Hadaba bishii Disember ayaa udoodayaashodii waydiisteen Northam inuu cafis ufidiyo iyagoo
yidhi cafiskan kuma doodayo in aanay dambi lahayn balse in maxkamadoodu ahayd mid aan
cadaalad ahyn sidookalena ciqaabtuna mid xad dhaafa ahyd oon xaq ahyn.

D’a yartan ayaa ahaa kuwa aad uyaryar da’dooduna ilaa 20 meeyada ahyd, bishii Maarso
Northam ayaa saxiixay sharci ay meel marinayaan sharci dajinta ay maamusho dimuqraadiyadu
taaso baabiinaysa ciqaabta dilka ee dalka. Virginia oo noqotay gobalka labaad ee ugu dilka
toogashada badan U.S.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top