By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Urur bulsho oo ka soo horjeestay xilka agaasimaha NIS ee loo magacaabay Nuurdiin Xaaji
by abdinajib abdullahi
Nairobi(Boundless media)_Ururka qaran ee hufnaanta ee NIA ayaa ku goodiyey inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad uu uga soo horjeedo in agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu la wareego xilka uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha dalka Willaim Ruto ee ah agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Ururkan ayaa wacad ku maray in haddii baarlamaanka uu ansixiyo magacaabidda Nuurdiin Xaaji inay maxkamadda tagayaan.
Mas’uuliyiinta NIA ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dib u eego magacaabiddan.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee daahfurnaanta Transparency International Sheila Masinde ayaa sheegtay in kenyaanka ay Siddeedii bilood ee la soo dhaafay la yaab ku noqotay in meesha laga saaray dacwado ay siyaasiyiin wajahayeen.
Waxay Nuurdiin ku eedeynayaan inuunan u qalmin qabashada xilka loo magacaabay maadaama sida ay ku doodayaan uunan si ay daacadnimo ku dheehan tahay ula dagaallamin musuqa iyo maareynta dacwadaha la xiriira.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments