skip to Main Content

Waare “Dowladdu haddey qoray wax ku yeeleyso qoray ayaa loo qaadanaa”

By abdinajib abdullahi

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka socda, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Waare oo Wareysi siiyay teleefishinka maxalliga ee Universal ayaa sheegay in waxa xilligaan ka socda dalka aan la dhihi karin doorasho, wuxuuna sheegay inay tahay mid aan ku socon si caddaalad ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in habraacii doorashada ee lagu heshiiyay in laga tallaabsaday, islamarkaana si aan sharciyad ku dhisneyn oo si qarsoon oo suuq madow ah doorashada loo wado ayna ka dhalan karto dhibaato xooggan.
Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo dib u dhaca ku yimid doorashooyinka, isaga oo sheegay in Farmaajo ay ka go’an tahay in labadii sano ee muddo kororsiga laga diiday uu dhameysto.
“Doorashada socota waa mid mugdi badan ku gadaaman yahay, Ergada dooraneysa lama garanayo wakhtiga ay dhamaaneyso lama yaqaan waana arrin dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayuu yiri” Waare.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa sicad u sheegay in ay muhiim tahay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu u fuliyo sida loogu aaminay doorashooyinka, haddii kale wixii ka dhasha doorashada sharci darrada ah uu isaga qaadi doono.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda haddey qoray wax ku yeeleyso in qoray loo qaadanayo.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa intii ui ahaa Madaxweynaha maamulkaasi waxaa ay

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top