skip to Main Content

Xisbiga UDA oo kenyaanka uga digay mashruuc kasto oo siyaasadeed ka hor doorashada guud

By abdinajib abdullahi

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga United Democratic Alliance UDA ee lala xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku boorriyay kenyaanka inay diidaan mashruuc kasta oo siyaasadeed ka hor doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Waxaa ay sheegeen in dadweynaha loo daayo inay doortaan madaxda ay rabaan iyadoo aan la cabsi gelin.
Hoggamiyayaasha hadalkan jeediyay ayaa kala ah, guddoomiyaha ismaamulka Turkana Josphat Nanok, senetarka dowlad deegaanka Nakuru Susan Kihika, xildhibaannada golaha xeer dejinta ku matasha bulshada deegaanka Malindi Caisha Jumwa dhigeeda Laikipia Cate Waruguru, mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu Kimani Ichung’wa iyo xildhibaanno kale.
Barasaabka ismaamulka Turkana Josphat Nanok, ayaa ku tilmaamay hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga inuu yahay mashruuc loo adeegsanayo in lagu ilaashado dhaqaalaha shakhsiyaad kooban, haddii uu hoggaanka ugu sarreeya qabta.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in Kenyaanka aan lagu cabsi galin doonin in ay taageeraan hoggaamiyayaasha ka soo horjeeda rabitaankooda.
Waxaa uu sheegay in midnimada dalka aan lagu gaari karin in la sameeyo xilal siyaasadeed oo ay ka faa’ideysanayaan shakhsiyaad kooban oo danahooda eeganaya.
Arrimahan ayuu Ruto ka hadlay xilli uu shalay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan wada tashi ah kula yeeshay wafuud ka socotay ismaamulka Laikipia.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top