Skip to content

Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay ku jirto Soomaaliya + Sababta

By abdinajib abdullahi

Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, isla-markaana ay qayb ka tahay Soomalaiya, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

War Isniintii kasoo baxay xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan warbixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

Warbixinta carada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaareyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana siyaabo kala duwan uga falceliyey dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top