skip to Main Content

Waddooyin ku yaalla Nairobi oo Axadda la xiraya

By Abdinajib Abdullahi 

Nairobi(Boundless media)_Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Axadda ee 21-ka bishan la xiro qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda dalka ee Nairobi.
Tani ayaa loo aaneeyay in maalinkaasi la qabanaya socdaal wacyigelin oo ka dhan ah cudurka kansarka.
Waddooyinka la xiri doono ayaa kala ah Southern Bypass- Langata Road- Aerodrome Road- Bunyala Road- Lower hill Road- Elgon Road- Hospital Road- Upper Hill Links Road ilaa Mbagathi.
Waddooyinka ayaa xirnaan doono inta u dhexeysa 7-da arrornimo ilaa 12-ka duhurnimo ee Axadda soo socoto.
Bayaan lagu soo daabacay wargeysyada maalinlaha ee dalka ayaa waxaa gaadiidleyda lagula taliyay inay waddooyin kale adeegsadaan iyadoo saraakiisha taraafikada ay kala hagi doonaan baabuurta.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top