skip to Main Content

Wamaxay sababta Ay maxkamada u hor Istaagtay Guddiga uu Madaxweyne Ruto U Saaray Meydadka Shakola!

By Ayanle (Boundless Media)

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay si ku meel gaar ah ugu hakisay howlaha guddiga uu madaxweynaha wadanka William Ruto u magacaabay inuu baaritaano dabagal ah ku sameeyo meydad laga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi .
Xubnaha guddiga ay hoggaaminaysa garsoore Jessi Lessit ayaa tallaabada xigta ee ay qaadayaan ogaan doona Isniinta.
Waxaa maalinkaasi la filayaa in garsoore Lawrence Mugambi uu go’aan faahfaahsan ka soo saaro dacwadda uu maxkamadda geeyay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La- Umoja One Kenya.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in guddiga uunan fadhiyadiisa billaabi karin ka hor Isniinta inta uu faahfaahin dheeraad ah ka soo saaraya.
Waxaa magacaabidda guddiga loo saaray arrimaha Shakahola ka soo horjeestay hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga oo uu matalaya qareenkiisa Paul Mwangi.
Raila oo dacwadda geeyay maxkamadda ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uunan awood dastuuri ah u lahayn inuu magacaabo guddi xaqiiqo raadis ah.
Waxaa uu Raila madaxweynaha dalka ku eedeyay inuu ka tallaabsaday awoodda dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda sida adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale sheegay in aqalka sare uu guddi u saaray inuu soo baaro dhacdooyinka isa soo taraya ee Shakahola.
Mucaaradka Azimio ayaa dood ka qabo in garsoore Jessie Lessit guddoomiye looga dhigay guddigan waxayna ku doodayaan in tani ay caqabad ku noqon karto madax bannaanida xaakinka haddii la soo hor dhigo kiisas taabanaya golaha fulinta ee dowladda sare oo ay dhici karto inay u eexato cidda magacawday.
5-tii bishan Shanaad ee May ayay ahayd markii madaxweyne Ruto uu magacaabay guddiga uu mucaaradka ka soo horjeestay.
Marka laga soo tago garsoore Jessie Lessit , xubnaha guddigan ayaa kala ah garsoore Mary Kasango, Eric Gumbo, Bishop Catherine Mutua iyo Jonathan Lodompui.

Xuquqda wey dhawrantahay!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top