Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

War kaso baxay guddigii suuqii gubtay ee jigjiga
By Ayanle Dhiire
Gudiga tabarucaadka suuqii gubtay ee Jigjiga oo iyaga oo ku sugan goobtii u ahaa suuqii gubtay la hadlay warbaahinta Deegaanka ayaa soo badhnigay inta ay la egtahay khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay guryaha iyo hantidii taalay ee ku gubtay suuqa oo ay sheegeen in ka badan 1 Bilyan 536 Milyan oo birr .
Gudiga ayaa dhanka kale soo bandhigay lacagaha deeqaha ah ee kasoo gaadhay shirkadaha bangiyada iyo bulshada Soomaaliyeed oo gaadhaysa in ka badan 102 milyan oo birr.
Ugu dambayntii waxa ay gudigu ugu baaqeen in loo kaco gurmadka dadkii hantidooda ku waayay suuqii gubtay si wadajir ahna ay uga qayb qaataan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan
This Post Has 0 Comments