skip to Main Content

Wasiir Fiqi “Waan la xisaabtameynaa dadka lacagaha siiya Al-Shabaab”

by abdinajib Abdullahi
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab Ee ku sugan degaanno ka tirsan Koonfurta Galmudug.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland & Galmudug ay ka go’aan tahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, waxaana uu si cad u sheegay inay yaraatay awoodda kooxdaasi.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii degaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ka dhacay Al-Shabaab looga digay in ka badan 250 dagaalyahan, waxaana uu qiray inay dhawaan Al-Shabaab qabsadeen Gaadiid dagaal.Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa uga digay dadka lacagaha siiya Al-Shabaab, waxana uu sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

xaquuda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top