Skip to content

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo ka gaabsaday in uu ka jawaabo eedeyn loo jediyay uhuru

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedeyn uu maalmo ka hor madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua u jeediyay hoggaamiyihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta.

Gachagua ayaa Uhuru la xiriiriyay qorsho ay dowladdu sheegtay inay dib isugu abaabulaysa kooxdii la mamnuucay ee Mungiki.

Hasa ahaate wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha oo eedeyntan su’aal laga waydiiyay ayaa sheegay inuunan taasi ka hadlayn.

Waxaa uu keliya Kindiki xusay in cid waliba oo lagu cadeeyo inay garab siinaysa kooxaha gaysta falal dambiyeedyada in tallaabo adag laga qaadi doono.

In kastoo uunan caddeymo soo bandhigin, haddana wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in gobollada Bartamaha dalka iyo Rift Valley ay ka mid yihiin meelaha lagu arkay kooxo mayal adag oo is uruursanaya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaano lagu sameeyay weerar horay loogu qaaday beerta qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ee deegaanka Ruiru oo dhawaan maxkamad la soo taagi doono tuhmanayaal falkaasi lala xiriirinaya!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top