skip to Main Content

DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland ‘oo cagta mariyay’ fariisimihii iyo gabaadyadii Al-Shabaab ee…

by abdinajib abdullahi

Kismaayo (Boundless media) – Ciidanka Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Ururka 5-aad ee guutada 16-aad iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-galo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada iskaashanaya ayaa waxay howl-gallada qorsheysan ka sameeyeen deegaanada kala ah; Yaaq-dabeyl, Qudus, Sariiraha, Aboodinka iyo Barja oo dhamaantood ah deegaano ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha howl-galka hoggaamineysay ayaa sheegay in deegaannada howl-gallada laga sameeyay ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo waaweyn oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateen jireen.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howl-galladaasi ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda ku-laheyd deegaanadaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddadii uu socday howl-galka ay deegaanadaasi ka sameeyeen ciidamada iskaashanaya ay gubeen gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Cabdiraxmaan Gaagaale.

“Howl-gallada waa soconayaan oo waa sii wadeyna,” ayuu yiri Taliye Carab oo sheegay inay sii wadayaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland horay uga sameeyay marar badan howl-galo noocaan oo kale ah oo ay kula dagaal-yahaanada kooxda ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Jubbaland.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Si kastaba, inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay hogaamineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top