skip to Main Content

Wasirka maliyada kenya , Dawlada waxey caqabad kala kulmeysaa malgalinta mashariicda.

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa kenyaanka ugu baaqay inay diyaar u noqdaan inay muddo kooban dhaqaale huraan maadaama xilligan aynan dowladda dhexe u fududeyn inay maalgeliso mashaariicda horumarineed.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu abaare 2:30 galabnimo ee maanta uu baarlamaanka ka hor akhriyo miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka.

Wareysi uu saaka siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu ku sheegay in dowladda ay isku dheelli tiraysa maalgelinta mashaariicda iyo inaynan qaadan deymo shisheeye.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in muddo kooban gudaheeda ay shacabka guntiga adkeystaan si loo haleelo qorshayaasha muddada fog.

Ndung’u ayaa intaasi ku daray in tallaabooyinka lagu soo jeediyay hindise maaliyadeedka sanadkan ay yihiin kuwo laga fikiray oo aan ciqaab ku ahayn kenyaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay yihiin kuwo ku yimid wada tashiyo ballaaran.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha maalgelineed ee dowladda mudnaan lagu siin doono wax ka qabashada cunno yarida iyo saameynta isbeddelka cimillada.

Maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa maanta soo bandhigaya miisaaniyad dhan 3.6 Triliyoon oo shilin in kastoo guddiga maaliyadda ee baarlamaanka uu ku talinaya in qiimahan lagu kordhiyo 80.7 bilyan oo shilin si uu u noqdo 4.4 Triliyoon oo shilin.

  1. Dowladda dhexe ayaa loo qoondeeyay 2.2 Triliyoon oo shilin, waaxda garsoorka waxaa loogu talagalay 22 bilyan, baarlamaanka waxaa loo qoondeeyay 41 bilyan oo shilin!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top