skip to Main Content

Weerar hoobiyeyaal ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho xili shir muhiim ah uu jiro

By Abdinajib Abdullahi

Muqdisho (Boundless media)

Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu ka furmo wada hadal u dhexeya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, oo looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inay suuragal tahay in duqeyn culus lagu garaaco meel u dhow Villa Soomaaliya, oo ah guriga uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.
Goobta uu weerarku ka dhacay, ayaa la xiray, si baaritaan loogu sameeyo.                  Shirka madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo qorshaha ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ee Soomaaliya dhammaadka sanadka 2024-ka.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ugu weyn uu hakad ku jiro, dhammaan duullimaadyada laba maalmood, shirka ka dhacaya magaalada awgeed.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top