skip to Main Content

Ismaamulka Nairobi oo goobo gaar ah u diyaarinaya waratada

By Abdinajib Abdullahi

Nairobi (Boundless media)

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay inuu heer sare maraya qorsho waratada ku ganacsada bartamaha caasimadda dalka loogu sameynaya meelo gaar ah.
Wasiirka ganacsiga ee Nairobi Rosemary Kariuki ayaa maanta sheegtay in ganacsatadan loogu talagalay hareeraha ilaa 53 waddooyin yaryar ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tallaabadan ay tahay mid lagu maareynaya howlaha ganacsiga.
Wasiiradda ayaa laga soo xigtay in tirada waratada ee u diiwaangashan ay tahay 6,000.
Qorshahan ayaa waxaa bishii Diseembar ee sanadkii hore billaabay barasaabka Nairobi ,Johnson Sakaja waxaana qayb ka ah in qof kasta oo warato ah la siiyo nambar gaar ah iyo meel lagu ogyahay oo uu ku ganacsan karo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top