skip to Main Content

Dagaal ka dhacay degmada Doolow iyo Col. Shuute oo ku xaniban (Sawirro)

By abdinajib abdullahi

Doolow(Boundless media)-Dagaal ayaa maanta ka dhacay garoonka dayuuradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadka ayaa bilowday sida wararku sheegayaan markii maleeshiyo beeleed hubeysan ay weerar ku soo qaadeen garoonka dayuuradaha Doolow xili ay halkaas ka socotay dhegeysiga dacwad la xiriirta askari dambi baare ah oo loo heysto inuu dilay eedeysane kiis dil ah loo heystay.

Dacwada waxaa qaadayey Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Col. Shuute iyo saraakiil kale oo halkaas u tagay qaadista dacwada kiiskan iyo Kiis kale oo ka dhacay degmada Balad xaawo oo loo soo xiray sadex qof oo ku eedeysan dilka sarkaal sariirtiisa loogu xiray qarax.

Maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa diidanaa in kiiska askariga dambi baaraha loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho sida ay Boundless media u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
Waxaa dagaalkaas ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey) kaasoo ahaa madaxa amniga garoonka Doolow, halka ay ku dhaawacmeen dhowr kale.

Xaalada ayaa hadda degan, inkastoo xiisad laga dareemayo nawaaxiga garoonkaa dayuuradaha Doolow oo sida wararka qaar sheegayaan ay ku xaniban yihiin Col. Shuute iyo saraakiil la socotay.

xaquuqda weyehowrantahay:Boundless media

Back To Top