skip to Main Content

Will reer Lewiston, Maine ah ayaa la xiray laguna soo oogay toogashadii ka dhacday tukaanka Walmart ee Auburn

Will reer Lewiston, Maine ah ayaa la xiray laguna soo oogay toogashadii ka dhacday tukaanka Walmart ee Auburn.

George, 19-sano jirka ayaa isku dhiibay dambi baadhayaasha kadib markii uu kala xaajooday is dhiibitaankiisa isbuucii la soo dhaafay.

Taliye kuxigeenka Booliska Timothy Cougle ayaa sheegay in uu George sidaacad ah isku dhiibay booliska deegaanka.

Booliska ayaa baadi goob ku jiray halka uu George ku sugnaa kadib toogashadii ka dhacday tukaanka Walmart ee uu ku dhaawacmay wiilka 19-jirka ah kadibna kacan qaadis ay kadanbeysay.

George iyo wiilka kale ayaa iskaqaanay sida uu Boolisku sheegay.

Wiilka kale ee 16-jirka ah ayaa laxidhay 4tii, Jun raas oo lagu oogay dacwad gacan ka hadal ah iyo habdhaqan taxadar la’aan ah isagoo qori wata.

George waxaa lagu oogay danbiyadaas oo kale kuna jiri doona inta laga bixinayo $15,000 oo damiinad lacageed.

Hadii la siidaayo waa mamnuuc in uu xariirr la sameeyo wixii la xiriira kayskiisa.

Back To Top