skip to Main Content

Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadeed + Ujeedka

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda u baxayo safar dibadeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu kusii jeedo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayada oo lagu wado inuu kaga qaybgalo shir madaxeedka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya gudaha dalkaasm waana meertada 14-aa ee Ururka.

Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkan ku wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa sar sare iyo xubno kamid ah golaha wasiirada oo qayb ah safarka dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in shirka IGAD uu furmayo Isniinta 12-ka June 2023, loogana hadli doono xaaladaha ka taagan gobolka iyo sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Sudan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka lagu soo qaado arrimo ku aadan Soomaaliya, gaar ahaan taageeridda howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Madaxweynaha Xasan ayaa khudbad ka jeedin doono meertada 14-aad ee IGAD, isaga oo ka hadli doono xaaladaha taagan, si uu taladiisa ugu biiriyo qodobada laga wada doodayo.

Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galaya shirweynaha Urur Goboleedka IGAD.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa u tegay Jabuuti oo uu ku laa laabtay, kadib markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha 15-kii May ee sannadkii hore ee 2022-kii.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo ciidamo ay ka joogaan gudaha dalka.

Si kastaba, shirka IGAD ayaa haatan kusoo aadayo, ayada oo dagaal uu ka qarxay Sudan, dalalka kalena ay la hardamayaan xaalado u gaar ah oo waa weyn.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top