skip to Main Content

Xasan Sheekh oo xiriir la sameeyay Erdogan, kuna yiri….

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo mar kale guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay madaxweyne Erdogan ayaa ku yiri ‘HAMBALYO’ sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah dhiggiisa Turkiga ula wadaagay farriinta hambalyada ah ee ku aadan guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoontay waddankaasi.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Sidoo kale ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii dhowaan ka dhacday dalka Turkiga oo ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub, dhanka kale taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda aad ugu farxey sheegayna in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd meelaha sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee dalka Turkiga.

Si kistaba, Ankara ayaa si weyn u taageerta Muqdisho, waxayna si gaar ah dowladda dowladda Turkiga uga qayb qaadataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top