skip to Main Content

Xildhibaankii hore ee galbeedka Wajeer oo xil loo magacaabay

By abdinajib abdullahi 

Nairobi(Boundless media)_Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka galbeedka Wajeer Axmad Qoloosh Maxamad u magacaabay guddoomiyaha guddiga waddooyinka dalka.
Qoloosh oo mudanaha galbeedka ismaamulka Wajeer ahaa intii u dhexeysay sanadkii 2017-kii ilaa 2022-kii ayaa xilkan hayn doono muddo saddex sano ah oo ka soo billaabatay shalay.
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha bariga Afrika, Aadan Maxamad ayaa isna loo magacaabay guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha ee golaha horumarinta waxyaabaha haragga laga soo saaro.
Waxaa uu xilkan hayn doonaa Saddex sano isagoo beddelaya Francis Munywoki oo uu madaxweynaha meesha ka saaray magacaabidiisi.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale Samuel Sakita Kutata oo sanadkii hore u tartamay xilka xildhibaanannimo ee deegaanka Koonfurta Kajiado balse aan ku guulaysan u magacaabay guddoomiyaha maamulka horumarinta Ewaso Ngiro South River Basin wuxuuna shaqeyn doonaa saddex sano.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top