skip to Main Content

Xildhibanka Degmada Ijaara oo baaq u diray Barasaabka Garissa

By Ayanle Dhiire 

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa Cabdi Cali Cabdi ayaa dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ugu baaqay inay wax ka qabato baahiyo dhinaca caafimaadka ah oo ka jiro isbitaalka deegaankaasi.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uunan marnaba aqbali doonin in dowladda hoose ee uu hoggaamiyo Nadiif Jaamac Aadan ay ka gaabiso qaar ka mid ah waajibaadkeeda.

Mudanaha ayaa shacabka deegaanka Ijara ugu baaqay inay howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta kula xisaabtamaan waxqabadkooda .

Waxaa uu xusay in dhawaan labo hooyooyin ah ay geeriyoodeen ka dib markii loo waayay gaadiidka degdegga ee ambulance ee bukaannada lagu qaado taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top