skip to Main Content

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan KISMAAYO + Ujeedka

By abdinajib abdullahi

Kismaayo (Boundless media) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Boundless media u xaqiijiyay safarka madaxweynaha, isaga oo ka ambabixi doono magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland.

Ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo in madaxtooyada Jubbaland uu kula shiro Axmed Madoobe ayaa kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top