skip to Main Content

Xogta kulan dhex-maray saraakiil ka socotay Ethiopia iyo madaxda Somaliland

By Abdinajib Abdullahi

Hargeysa (Boundless media) – Xarunta Wasaaradda Difaaca ee Somaliland ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay wasiirka wasaaradda Cabdiqani Caateeye iyo Safiirka Ethiopia ee Somaliland Amb. Dalil Kadir Bushra.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa safiirka ku wehliyay uqaybsamaha difaaca (Military attache), halka dhanka Somaliland at qeyb ka ahaayeen saraakiisha ciidanka qaarkood, waxaana looga wada-hadlay iskaashiga labada dhinac
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Dhaqanka ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale labada dhinac uga wada-hadleen colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii xaalkeeda loogu soo dabaali lahaa jawi nabdoon, sid ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo ka agdhaw kulankaan.

Ethiopia ayaa kal hore isku xilqaamtay waan-waan iyo dhexdhexaadin xal loogu raadinayo dagaalka Laascaanood, kuwaasi oo markii dambe fashilmay kadib markii labada dhinac ee halkaasi isku haya ay shuruudo adag ku xireen in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado.

Dowladda federaalka Ethiopia ayaa lasoo warinaya inay markale dooneyso inay dib usoo celiso dadaallada wax looga qabanayo dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Masuuliyiinta Ethiopia ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda Somaliland, ayada oo dhawaan Safiirka Ethiopia ee Somaliland uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top