skip to Main Content

Xubin katirsan wasaaradda haweenka Soomaliya oo muqdisho lagu dilay

by isxaaq Rashiid Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil Kooxo hubeysan ay Xaafad katirsan degmada Dharkenleey ee Gobolkan Banaadir ugu geysteen Xubin katirsanaa Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Yuusuf ayaa la sheegay in lagu dilay agagaarka Hoygiisa ee degmada Dharkeenleey, isla markaana Kooxihii dilka u geystay ay goobnta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa garay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii dilak geystay.

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Dharkeenleey ayaan weli ka hadlin dilka gudaha degmadaas looghu geystay Maxamed Axmed Yuusuf oo katirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dilkan ayaa kusoo ayaa xilli Bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen falalkii dilalka qorsheysnaa ahaa oo ay Magaalada Muqdisho ka geysan jireen Al-Shabaab kadib markii dowladda Soomaaliya ay Xaafadaha degmooyinka ay geysay Ciidamada ilaalada Shacabka ee Dharcdadka loo yaqaano

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top