skip to Main Content

askari dil u geystay qof shacab ah oo maanta xukun dil ah lagu riday

by isxaaq Rashiid Maxkamada Ciidamada Qalanka sida ayaa maanta xukun dil ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska .

Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii leedahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top