skip to Main Content

Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Jubada Hoose

By isxaaq Rashiid Warar  dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Agagaarka  jiinka wabiga Jubba degmada Jamaame ee gobolka jubada Hoose ay ka sameeyeen ciidanka Kumaandoska Danab iyo kuwa  Daraawiishta Jubbaland  .

Ciidamada  is garabsanaya ayaa weeraray godod ay difaac kaga jireen Al shabaab kadib hawlgallo ay ciidamadu mudooyinkii  dambe ka samaynayeen deegaanno  ku yaallla jiinka wabiga Jubba, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa al shabaab looga dilaysida ay saraakiisha jubloand sheegeen  in ka badan 50 dagaalyahan halka intaas in Ka badana lagu dhaawacay sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysa.

Waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah, ciidama ayaana fashiliyay tiro  minoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Howlgalkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamaddaJubland iyo Kumaandooska Danab  waxaa ay ku dileen saraakiil  Alshabaab la tirsan waxaana ka mid ah, Caana-Nuug iyo Sheekh Nuur oo u Alshabaab la sheegay in uqaabilsanaaueen  miinada iyo sarkaal kale oo  lagu magacaabo Sheekh Xuseen.

Sidoo kale , Ciidamada Jubland iyo kuwa kumaandooska Danab ayaa waxaa Hawlgal intii uu socday ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  inkastoo saraakiisha Amniga Jubland aanay sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray Ciidankooda Hawlgalkaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top