skip to Main Content

Sargaal ciidan oo garawe lagu dilay iyo xiisad taagan


Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Sarkaal ciidan oo horey usoo noqday taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe la dilay.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan inuu u geeriyooday tacshiirad ay ku fureen maleyshiyaad ka amar qaata siyaasiyiinta diidan doorashada Puntland.

Xiddige Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay xilliga uu falka uu dhacay inuu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faahfaahin oo laga helayo dilkiisa.

Maydkiisa ayaa hadda yaala isbitaalka guud ee Garowe, halkaas oo sidoo kale maalmihii tagay ay talaagad ku jireen labo askari oo ku dhintay iska hor imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garowe.

Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay dadaalo lagusoo afjarayo khilaafka arrimaha doorashada, iyadoo la filayay in maanta siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada lagu qanciyo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doorashada golaha deegaanka.

Ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amarqaata mucaaradka, ayaa ku sugan duleedka bari ee magaalada Garowe, iyagoo isbaaro u dhigtay in sanaadiiqda doorashada laga gudbiyo magaalada Garowe, si loo gaarsiiyo degmooyinka kale ee gobolka Nugaal.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top