skip to Main Content

By isxaaq Rashiid Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir oo Soo Bandhigay Dhagarqabihii Hoggaaminayay weerar loo adeegsaday Gantaallo Macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal galiyo Shacabka Magaalada Muqdisho sida war ka soo baxay taliska lagu sheegay.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geesan.

 

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah.

 

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali laridin, waxaana gantaaladii lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto shaqsiga la qabtay

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top