skip to Main Content

Laba sanno ka dib qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo war cusub soo saaray

Muqdisho (Boundless media) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo muddo 2 sano ah lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo la hadashay Universal TV, ayada oo war cusub kasoo saartay kiiska gabadheeda.

Hooyo Qaali Guhaad ayaa shaaca ka qaaday in weli ay ku jirto xaaalad murugo ah, maadaama aysan weli nolol iyo geeri ku heyn gabadheeda oo maqan muddo laba sano ah.

“Aniga caawa murug ayay ii tahay, ayada oo loo dabaal-dagayaalo maalintii aan xorownay, laakiin murugtaas ayaa i heysato waa damaashaadi jiray meel kasta oo dunida uga noolahay laakiin labadaan sanno waa iiga bedalan tahay xanuun, gabadhiina sidii ayay iiga naqan tahay” ayay tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhdaad oo mar kale soo hadashay.

Waxa ay mar kale eedeyn culus u jeedisay madaxdii hore ee dalka, gaar ahaan taliskii hay’adda NISA ee uu hoggaaminayay, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Gabadheeda waa la’ahay waa la dhibaateeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Fahad Yaasiin Taliska u joogay, Cabdullaahi Kulane, Yaasiin Farey, Wadnaqabad iyo darawalkii Kulane intaas oo u shirtay gabdheeda ayay ku maqan tahay” ayey sii raacisay.

Dhanka kale, Hooyo Qaali oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in illaa & hadda waxba laga qaban kiiska gabadheeda, isla-markaana dacwaddii ay u gudbiyeen Maxkamada Ciidamada aan horey loo sii wadin, taas oo ay ku tilmaamtay wax laga xumaado.

“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dacwadda geeyay illaa iyo hadda faylkedda wuu buseestay wax kor usoo qaaday malaha” ayay mar kale tiri Hooyo Qaali Guhaad.

Ugu dambeyn waxa ay farriin u dirtay madaxweynaha iyo taliyaha NISA, ayada oo ugu baaqday in mar kale ay kiiska dib u furaan, si ay cadaalad u hadasho gabadheeda Ikraan.

“Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud aniga dulmane ayaan ahay qof nool ayaa iga maqan oo iga hor muuqato geeri iyo nolol waa inaan mid ku helo. Waxaan kaloo baaq u dirayaa taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dalka Mahad Maxamed Salaad waxaad fadhisaa hay’addii ugu weyneyd waddanka cadaalad ayay idinka baahan tahay Ikraan” ayay hadalkeeda kusoo xirtay Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xoogan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali Maxamed Guhaad.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top