skip to Main Content

Dagaal markale ka qarxay laascanood

By isxaaq Rashiid Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka magaaladaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somailand iyo kuwa xoogagga SSC.

Xalay ilaa waaberihii hore ee saaka ayaa la dareemayay xiisad dagaal oo u dhaxeeysay labada dhinac balse dagaalka uu Maanta billaawday, waxaana uu sigaar ah uga socdaa aagaga Bari iyo Galbeed ee Magaalada Laas-Caanood.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac, waxaana meelaaha qaar ku dhacay Hoobiyeyaal ay isku ridayaan dhinac, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa weli ku dagaalamaya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la magac baxay SSC, iyada oo aan weli xal loo helin dagaaladaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top