skip to Main Content

2 qof oo isbitaal la dhigay ka dib daacuun ka dillaacay xabsiga magaalada Thika

By Abdinajib Abdullahi 

thika(Boundless media)

Waxaa lagu soo warramayaa in cudurka daacuunka uu ka dillaacay xabsiga Thika Main prison ee deegaanka Thika oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Taliyaha xarumaha asluubta ee dowlad deegaankaasi Karani Limanye ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in isbitaalka wayn ee Thika la dhigay labo ka mid ah maxaabiista oo uu cudurka soo ritay.
Mr. Karani ayaa intaasi ku daray in kiiskii ugu horreeyay ee daacuunka la soo tabiyay 8-dii bishan iyadoo maalin ka dib 10 maxaabiis ah uu xanuunka saameeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tirada guud ee maxaabiista uu daacuunka saameeyay ay tahay 38 isugu jiro 36 rag iyo labo haween ah in kastoo hadda la xakameeyay faafitaanka cudurka.
Xildhibaanadda laga soo doortay Thika ,Alice Ng’ang’a ayaa ciidamada ilaaliyaha xabsiyada ku boorrisay inay nadaafadda ku dadaalaan.
Sidoo kale waxay dowladda hoose ee Kiambu ka codsatay inay dadweynaha u sameyso wacyigelin dhanka nadaafadda ah.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top