skip to Main Content

Ku dhawaad 100 qof oo lagu dilay dalka Sudan

By Abdinajib abdullahi

sudan(Boundless media)_Qaraxyo ayaa maanta oo Isniin ah ruxay caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, iyadoo uu maalintii saddexaad ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada Suudaan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF).
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa maanta ku soo biiray dadaallada lagu doonayo in lagu cadaadiyo dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan dagaalka oo ay ku laabtaan wadahadalka iyadoo tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay dagaalkaas ay kor u dhaaftay 97.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in dagaalku hakad galo si loogu oggolaado gargaarka bani’aadamnimada ee ay soo jeedisay Qaramada Midoobay balse taasi ma dhaqangalin.
Iska horimaadkan ayaa qeyb ka ah loolan dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya taliyaha ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan iyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo oo ah madaxa kooxda RSF.
Labadan jeneraal ayaa hore u ahaa xulufo si wada jir ah u abaabulay afgambi militari oo dhacay bishii Oktoobar sanadkii 2021-kii kaas oo hakiyay xukunkii dimuqaraadiga ah iyo doorahsooyiinka dalka Sudan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top