skip to Main Content

25 Sano jir macalin ka ahaa dugsi sare oo ayeyadii kudilay ismamulka Busia!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Wararka ka imaanaya tuulada Kisoko oo ka tirsan ismaamulka Busia ayaa sheegaya in nin 25 jir ah uu toorey ku dilay ayeeyadii oo da’deedu ahayd 96 sano jir.
Sida laga soo xigtay qoyska ay dhibaatadu saamaysay haweenayda waayeelka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Clare Oruko.
Ninka lagu tuhmaya inuu falkan gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Bernard Okwara, oo ah macallin wax ka dhiga dugsiga sare ee Nanderema oo ku yaala deegaanka Samia ee Busia wuxuuna weeraray haweeneyda oo xilligaasi ku jirtay jikada ama dab shidka.
Dhacdada ka dib, deriska iyo xubnaha qoyska ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha waxayna ku xireen geed ka hor inta aysan wargalin ciidanka booliiska.
Sida laga soo xigtay qoyska, tuhmanaha ayaa lagu daaweynayay isbitaal ku yaalla Kakamega arrimo la xiriira xaaladiisa caafimaadka ee dhanka dhimirka.
Meydka haweenayda la dilay ayaa loo gudbiyay qaybta meydka ee isbitaalka Busia, iyadoo tuhmanaha lagu haynaya saldhigga booliiska ee Nambale inta baaritaannada ka dhanka ah laga soo gabagabeynaya!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top