skip to Main Content

Nairobi, Dad la Afduubtay oo laso badbadiyay iyo eedeysanayaal loso Qabtay!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay labo haween oo toddobaad ka hor la afduubtay.

Waxaa howlgalkan iska kaashaday saraakiisha cilmi baarista ku sameeya dembiyada , kuwa sirdoonka iyo ciidamada fuliya howlgallada gaarka ah.

Labada haween ee la soo samata bixiyay ayaa lagu kala magacaabaa Erica Gachoka oo 26 sano jir ah iyo saaxiibteed oo 27 sano jir ah laguna magacaabo Shanice Agose.

4-tii bishan ayaa haweenkan la waayay ka dib markii ay ka qayb galeen xaflad ka dhaceysay xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi.

Waxaa gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo afduubkan lala xiriirinaya oo la sheegay inay ka howlgalaan ismaamullada Nairobi iyo Kiambu.

Dadka haystay haweenkan ayaa mid waliba ka dalbaday inay bixiso lacag madax furasho oo dhan 250,000 oo shilin.

Hasa ahaate ciidamada ayaa shalay howlgal ka sameeyay guri ku yaalla aagga loo yaqaano Ngoigwa ee deegaanka Thika, halkaasi oo ay ka soo qabteen Timothy Kiragu oo 34 sano jir ah iyo Samuel Kipkurui oo ay da’diisu tahay 33.

Ka dib markii labadan qof la wareystay ayay ciidamada geeyeen Gatukuyu oo ka tirsan ismaamulka Kiambu halkaasi oo la haystayaasha laga soo badbaadiyay.

Haweenka oo lagu hayay hal qol aadna u liita ayaa dib ula midoobay qoysaskooda!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top