Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Boliska kenya oo qabtay caano koontarabaan ah gudaha Nairobi
By Ayanle Dhiire
Ciidamada booliiska ee dalka ayaa bakhaar ku yaalla agagaarka waddada wayn ee Eastern Bypass ee magaalada Nairobi ka helay ugu yaraan 32.5 taan oo caano kontarabaan ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sarkaal iska dhigay qof macaamiil ah.
Ka dib markii ay ciidamadu bakhaarkaasi tageen ayaa waxaa goobta yimid baabuur xamuul oo siday 150 kartoon oo midkiiba ah 25 kiilogaraam.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in qiimaha lacageed ee lagu heshiiyay in halkii kartoon lagu iibsado uu ahaa 16,500 oo shilin.
Hasa ahaate waxaa baabuurka xamuulka wehelinayay Joseph Waweru oo gaari yar watay oo la rumeysan yahay inuu caanaha u qaybiyo xarumaha ganacsi ee Nairobi.
Ciidamada dambi baarista ayaa xabsiga u taxaabay Joseph Waweru iyo wadihii baabuurka xamuulka oo magaciisa lagu sheegay Cali Nuur sidoo kalena ay laamaha ammaanka ku tilmaameen shakhsi ka dallaala iibinta caanahan budada ah.
Waxaa hadda socdo baaritaano dheeraad oo arrinkan ku aaddan.
This Post Has 0 Comments