skip to Main Content

DF oo ku qasban qaadista tallaabadan weyn kadib xad-gudubka Ethiopia

Muqdisho (Boundless media) –Soomaaliya waxay ku jirtaa dagaal diblumaasiyadeedkii ugu adkaa muddo rubuc qarni ah. Waxay wajaheysa Itoobiya oo ay ka dhaxeyso taariikh qaraar oo soo tixnayd tan iyo qarnigii 15-aad.

Addis Ababa ayaa muddo shan sano ka badan xusul duub ugu jirtay inay qeyb ka hesho biyaha Soomaaliya xoog iyo xeeladba.

Markii ay furi weysay madaxda federaalka ayay Itoobiya warqad ka saxiixatay Somaliland, oo ah maamul kamid ah Soomaaliya, balse aan weli ku qancin nidaamka federaalka.

Tallaabadan ayaa xiisad xooggan ka abuurtay Geeska Afrika. Mareykanka, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Dowladaha Masar, Qatar iyo kuwa kale ayaa dhamaan garab istaag u muujiyay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyada oo fahamsan inay weli gudaha dalkeeda ku jiraan ciidan Itoobiyaan ah oo kamid ah howl-galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika, ayey go’aansatay inay soo hormariso dagaalka diblumaasiyadda.

Laakiin nasiib darro wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ma lahan wasiir rasmi ah waqtigan la joogo. Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda Abshir Cumar Haruuse ayaa is calisay daba-yaqaadii bishii lasoo dhaafay isagoo isku sharaxay hoggaanka maamulka Puntland.

Sida ay tibaaxayaan xoggo hoose, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si joogto ah uga shaqeeya baadi goobka garab siyaasadeedka caalamiga ah. In waqtigan culus uusan dalkaaga laheyn wasiir arrimo dibadeed oo rasmi ah, waxay keeni karta in dalal badan ku arkaan in uusan dagaalka dhab ka aheyn.

Siyaasadda arrimaha dibadda kama bilaabato madaxweynaha, waana muhiim inuu jiro wasiir arrimo dibadeed oo rasmi ah oo farriinta dalka u dhiibi kara dhamaan safiirada Soomaaliya u jooga caalamka, maalin walbana raadin kara saaxiibo iyo dalal kula saf ah ama noqon kara.

Waxay kale oo Soomaaliya ku jirta xilligii ay baran laheyd saaxiibada ay ku leedahay caalamka iyo cadowgeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ayaa loogu baaqay inay deg deg u keenaan wasiir arrimo dibadeed oo leh aqoonta, waayo-aragnimada iyo faham uu dalka kaga gudbin karo xilligan adag oo siyaasadda arrimaha dibadda aad muhiim u tahay.

Maalmihii tegay waxaa jiray warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ka fikirayaan isku shaandheyn guud oo lagu sameeyo Golaha Wasiirada, maadaama ay ka banaan tahay saddex wasaaradood, sidoo kalena ay jiraan wasiiro kale oo ku fashilmay shaqada oo la rabo in la beddelo.
Laakiin marka la eego marxalada adag ee soo wajahday Soomaaliya, waxaa tallooyinka ugu badan kamid ah in wasiirka arrimaha dibadda deg deg loo soo magacaabo si uu shaqadan muhiimka ah u hoggaamiyo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top