skip to Main Content

Khsaare ka dhashay qarax lagu weeraray Ciidamo kenyan ah

by isxaaq Rashiid Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday Kolonyo Gadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, xilli ay marayeen meelo kamid ah dhulka Xadka Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaannada Koomoole iyo Kaambooni, waxaana la sheegay in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay rasaas farabadan fureen.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxa, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha guud ee ka dhashay, hayeeshee War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegtay in qaraxaasi ay kudileen 7 kamid ah Ciidamada Kenya.

Kolonyada Ciidamada Kenya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka yimid dhinaca degaanka Koomoole, ayna kusii jeedeen deegaanka Kaambooni, balse qaraxa kadib ay dib ugu laabteen degaankii ay ka yimaadeen ee Koomoole.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top