Skip to content

Mareykanka ayaa badhitaan kuwada si dib loogu eego taariikhda madow ee iskuulada boodhinka ama lacagta lagu dhigto ee asaliga ah.

Dawladda federaalku waxay baari doontaaiskuulada boodhinka ah ee Dhaladka Mareykanka waxayna ka shaqeyn doontaa “in la soo bandhigo runta ku saabsan dhimashadii nolosha aadanaha iyo cawaaqibyada joogtada ah” ee hay’adaha, kuwaas oo tobanaan sano ku khasbay boqolaal kun oo carruur ah inay school tagaan kuna biiraan diinta kiristanka qoysaskooda iyo bulshooyinkooda , Xoghayaha Arimaha Gudaha Mareykanka Deb Haaland ayaa ku dhawaaqay Talaadada.

Laga bilaabo Sharciga Ilbaxnimada dhaladka dalka maraykanka ee 1819, Mareykanku wuxuu dejiyey sharciyo iyo siyaasado lagu dhisayo laguna taageerayo iskuulada boodhinka dhaladka dalka maraykanka ee ku baahsan waddanka. In ka badan 150 sano, carruurta asaliga ah waxaa laga kaxeystay deegaannadooda waxaana lagu qasbay inay galaan iskuulo boodhin ah oo diiradda saaraya la qabsiga.

Xoghayaha Arimaha Gudaha Haaland waxay kahadashay isku dayga dowlada federaalka ee ah inay tirtirtaan aqoonsiga qabyaaladeed, luuqada iyo dhaqanka, Taasna ay kaliftay wareegyo rabshado iyo xadgudub, dhimasho dhicis ah, arrimaha caafimaadka maskaxda iyo mukhaadaraadka. Soo helitaankii ugu dambeeyay ee hadhaagii carruurta ayaa la ogaaday inay ku  aasayihiin goobtii mar ahaan jirtay iskuulkii ugu weynaa ee asaliga ah ee dalka Kanada. 

Kanada gudaheeda, in ka badan 150,000 oo ah Carruurtii ugu horreysay ee loo yaqaan ‘First Nations’ ayaa looga baahnaa inay dhigtaan iskuulada masiixiyiinta ee ay dowladdu maalgeliso taasoo qayb ka ah barnaamij lagu mideynayo bulshada. Waxaa lagu qasbay inay qaataan diinta masiixiga loomana ogolaan inay ku hadlaan afafkooda. Qaar badan ayaa la garaacay oo la aflagaadeeyay, ilaa 6,000 ayaa la sheegay inay dhinteen.

Wixii faahfaahin ah ama wixii soo kordha halkaan kala soco.

 

Back To Top