Skip to content

Guddiga Axdiga Portland ee Gobalka Maine wuxuu dhageysandoona aragtiyada dadweynha halkaadna u dhacayo dhageysiga koowaad

Ridwan Ali

Intii lagu guda jiray wareegii koowaad ee faallooyinka dadweynaha, Guddiga Axdiga Portland wuxuu maqlay talooyin kala duwan si ay u hagaan shaqadooda, iyadoo qaar ka mid ah ay u doodayaan isbedello ballaadhan, sida sumcadda booliiska iyo aasaasidda waax shaqaale, halka kuwo kalena ay ku dhiirrigeliynayeen guddiga inuu u dhawaado kana soobaxo shaqadiisa. Guud ahaan, dadweynuhu waxay rabaan dabacsanaan iyo siyaasiyiin u maskax furan the nay maqlaan aragtiyada dadweynaha ee kaladugan.

Dimuqraadiga Mareykanka waxay taageerayaasha ku boorriyeen inay gacan ka geystaan “axdiga Portland kana dhigaan axdiga ugu badan hantiwadaagga dalka,” halka Rugta Ganacsiga Portland ay uga digtay taageerayaasheeda in guddiga ay u badan yihiin fikradaha aan fahmin ujeeddada axdiga., shaqsi ahaana weeraray saraakiisha magaalada una dulqaadan karin fikradahadadweynaha.

Dhageysiga dacwada waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 120 qof, iyadoo ilaa 50 qof ay ka hadlayeen ku dhowaad laba saacadood iyo badh.

Gudoomiye Michael Kebede wuxuu sheegay in dadka deegaanka lasiin doono fursado kale oo ay kaga faaloon doonan, inkasta oo Arbacadii ay ahayd dhageysigii kaliya ee looga baahanaa sida ku xusan sharciga gobolka, kaas oo hagaya howlaha guddiga.

Faallooyin badan oo la soo saaray intii uu socday kulanku waxay diiradda saaraysaa doodda ku saabsan in magaaladu yeelato duqa magaalada oo firfircoon halkaasna xilka laga rido ama hoos loo dhigo maareeyaha xirfadda leh ee magaalada.

Talooyinka komishanku waa inay ansixiyaan codbixiyeyaasha magaalada si ay u dhaqan galaan, wadarta guud ee codbixiyayaashu waa inay ahaadaan ugu yaraan boqolkiiba 30 doorashadii hore ee goballada. Karaaniga magaalada Katherine Jones ayaa sheegtay in taasi ay u baahan tahay tiro soo xaadir ah ugu yaraan 10,224.

Halkaan kala soco wixii faahfahina iyo natiijo ah ee soo korodha.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top