skip to Main Content

Abiy Axmed & Elsisi oo ka wada hadlay Muranka Biyo-xireenka iyo Xiisada Sudan

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Elsisi waxa uu Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Qaahira saakayto oo Khamiis ah ku qaabilay RW dalka Ethiopia, Abiy Ahmed oo Masar u jooga Shirka Madaxda dalalka deriska la ah Sudan oo maanta ka furmay magaalladda Qaahira.

 

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay labada Hoggaamiye ka wada xaajoodeen Xoojinta Xiriirka labada dal.

 

 

Madaxweyne Elsisi iyo RW Abiy Ahmed waxay kaloo ka wada xaajoodeen Khilaafka dhanka saami qeybsiga Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ee GERD iyo sidii xal loogu heli lahaa Qalalaasaha Colaadeed ee dalka Sudan.

 

Si kastaba, Xiriirka labada dal ee Masar iyo Ethiopia ayaa xumaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriira Muranka Biyo-xireenka GERD ee ay Dowladda Ethiopia ka dhistay Webile The Blue Nile.

 

Ethiopia waxay qorsheynaysaa inay markii 4-aad buuxiso Kaydka Biyo-xireenka GERD bisha September ee soo socota, xilli aysan dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan wax Xal Sharci ah ka gaarin Muranka saami qeybsiga Biyaha Biyo-xireenka GERD we Webiga Nile.

 

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top