skip to Main Content

Villa Somalia oo shaacisay mowqifka muddo kororsi ee madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Boundless media) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay kulan Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha shirka Muqdisho uga socda siyaasiyiinta Soomaalida

Agaasime Xuseen, wuxuu sheegay in shirkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo mid mid u casuumay siyaasiyiinta isugu timid, si looga tashado halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay Agaasime Xuseen, qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah arrimaha muddo kororsiga dowlad goboleedyada iyo wax ka bedelka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, iyadoo la furayo qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

Waxyaabaha uu qorsheynayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay qalinka ku duugeen madaxda dowlad goboleedyada waxaa ka mid ah, in xukunka dalka laga dhigo nidaam madaxtooyo, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen.

Arrinkaan, si weyn ayey u diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta uu shirkaan ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse Agaasimaha Madaxtooyada ayaa xalay bixiyey xog cusub oo sababi karta in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ay siyaasiyiintu aqbalaan.

Dooda ugu adag ee siyaasiyiinta ka imaaneysay waxay aheyd, in dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay meel mariso qorshahaas, balse ku dhaqankiisa la bilaabo muddo xileedka dowladda tan xigta.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay kulankii ‘SNTV Twitter Space’ ku shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in afar sano markii uu joogo xafiiska uu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Agaasime Xuseen Sheekh, wuxuu cadeeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku jirin damac muddo kororsi, isla markaana nidaamkaan loo jeexayo dowladda bedeli doonta tan hadda ka arrimisa dalka.

Madaxweynaha dalka oo maalintii labaad shir kula jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee intooda badan horay dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah ayaa ka dhaadhicinaya sida ay dowladiisu dooneyso inay u meel mariso qorshahaan wax looga bedelayo dastuurka dalka.
Hadii qorshaha madaxweynaha aysan ku jirin in isagu uu muddo xileedka kororsado, waxay u badan tahay in saamileyda siyaasadeed ay ka aqbali doonaan inuu ku dhaqaaqo wax ka bedelka muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada, si fursadaas ay uga faa’iideystaan dowladaha dambe ee dalka hoggaamin doona.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top