skip to Main Content

Al-Shabaab oo dhacdo yaab iyo argagax leh ka gaysatay gobolka Hiiraan + Sawirro

By Abdinajib Abdullahi

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dhacdo la yaab iyo argagax leh ka gaystay deegaanka Ceel Xeero oo 20km dhanka bari ka xiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa halkaas ku xasquuqday illaa 300 oo neef oo Ari ah, kuwaas oo ay lahaayeen dad reer guuraa ah oo ku sugan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay sheegeen in dadka iska leh xoolahaasi ay ‘Ridoobeen’ sidaasina ay ku laayeen xooladhooda.

Sidoo kale dadka deegaanka ee lahaa xoolahaasi la laayey ayaa sheegay inay ka bad-baadeen weerarka Al-Shabaab, balse aysan u harin wax xoolo ah oo ay dhaqdaan.

“Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin” ayuu yiri. mid kamid ah xoolaha dhaqatada ee dhibaatada weyn kasoo gaartay dhadcadaasi.

Arrintaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda u sameysay, kadib markii laga war helay weerar ay la damacsanaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waa sida ay shaaca ka qaadeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanka ay dhacdadan ka dhacday ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana cabsi xoogan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Al-Shabaab ayaa horey u burburisay ceelasha biyaha deegaano badan oo ku yaalla maamullada Galmudug iyo HirShabelle, kadib markii laga saaraan deegaano horleh.

Si kastaba, koxoda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu xooganaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay ku biireen dadka deegaanka oo qayb ka ah kacdoonka ka curtay dalka, kaas oo loo sababeynayo dhacdooyinka yaabka leh ee ay geysaneyso kooxdu.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top