skip to Main Content

Baasaboorka Kenya oo hoos uga dhacay qiimeyntii ugu dambeysay ee guud ahaan caalamka

By Abdinajib Abdullahi

Baasaboorka Kenya ayaa laba darajood hoos ugu dhacay marka loo barbardhigo qiimeyntii tan ka horreysay.
Waxaa hadda baasaboorka Kenya kaalimaha waddamada caalamka kaga jiraa nambarka 73-aad.
Hasa ahaate, qiimeynta ayaa sheegeysa in baasaboorka Kenya uu kaalinta siddeedaad kaga jira qaaradda Afrika.
Qiimeyn ay saameysay shirkadda Henley Passport Index oo la socoto dhaqdhaqaada iyo isu socodka adduunka ayaa warbixin ay shalay soo saartay ku sheegtay in baasboorka Kenya lagu tagi karo ilaa 73 waddan iyadoo aan lagaaga baahneyn fiisaha dal ku galka, halka isla muddadaasi sanadkii hore ay ahayd 71 dal .
Wadanka Mauritius, oo ku jira kaalinta 34-aad ee adduunka ayaa ku soo baxay nambarka koowaad ee waddamada qaaradda Afrika qiimeynta sanadlaha ah ee la soo saaray iyada oo lala kaashanayo ururka caalamiga ah ee gaadiidka cirka.
Baasaboorka Japan ayaa ah kan ugu awoodda badan caalamka, kaas oo lagu tagi karo ilaa 193 dal, islamarkaana aan lagaaga baahneysn fiiso.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top