skip to Main Content

Amniga Nairobi oo si wayn loo adkeeyay

By abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)
Iyadoo siyaaiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay sheegeen inay maanta dibadbax dhigi doonaan ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay amniga caasimadda dalka ee Nairobi.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warramaysa in ciidamada booliiska ee qaabilsan la tacaalidda rabshadaha laga howlgeliyay meelaha laga soo galo Nairobi sidoo kalena looga baxo.
Saraakiisha ayaa ku sugan waddooyinka Uhuru Highway ,Haile Selassie Avenue , Ngong Road ,qaybo ka mid ah xaafadda Ngara iyo agagaarka xarunta boostada guud ee G.P.O.
Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa bar kontoroollo ka sameeyay waddada aadda xarunta madaxtooyada ee State House halka saraakiisha ay ku sugan yihiin waddada Dennis Pritt.
Dhanka kale dibadbaxayaal ayaa billaabay inay xiraan qaar ka mid ah waddooyinka ismaamulka Kisumu iyadoo waddada taayarro ku gubaya.
In kastoo madaxweynaha dalka William Ruto iyo taliyaha guud ee booliiska Japheth Koome ay sheegeen in aan dibadbaxyo rabshadeysan la qaban karin haddana mucaaradka ayaa dhankooda ku adkeysanaya inay cabashadooda u gudbin doonaan si nabad ah.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top