skip to Main Content

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio oo maanta dibadbax dhigaya

By Abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa la filaya inay maanta ka dhabeeyaan qorshahoodii ahaa inay qaban doonaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda dhexe oo ay horay u hakiyeen.
Madaxa Azimio Raila Odinga ayaa sheegay in mudaaharaadyada ay noqon doonaan kuwo nidaamsan oo nabad ah.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaasi ku daray in dibadbaxayaasha aynan tagi doonin goobaha ganacsiga si uunan u dhicin burbur hantiyadeed.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale dhaliilay amar Axadii ka soo baxay taliyaha ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei kaasoo lagu mamnuucay mudaaharaadyada Azimio.
Bungei ayaa hoosta ka xarriiqay inay sharci darro tahay in dibadbax lagu qabto gudaha caasimadda dalka maadaama dhacdooyinkii hore ay ahaayeen kuwo rabshadeysan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay kala eryi doonaan dibadbaxayaasha.
Hasa ahaate hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka ayaa go’aanka taliyaha booliiska ku tilmaamay mid wadanka dib u dhac u horseedaya.
Mr. Odinga ayaa sheegay inay ka hor tagi doonaan isku day kasta oo la xiriira keli talisnimo.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay hadalkii ka soo yeeray taliyaha booliiska ee Nairobi ee ahaa in dibadbaxyadii ay mucaaradka horay u sameeyeen in lagu burburiyey hantida shacabka isagoo carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyinkaasi ay gaysteen shakhsiyaad ay soo abaabuleen dhinacyada ay Azimio siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.
Shalay ayay ahayd markii uu Raila Odinga sheegay inay maanta cabashooyinkooda u gudbin doonaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC,xafiiska madaxweynaha , wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaran iyo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa dalbanaya in la furo oo baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka ee dalka maadaama ay aaminsan yihiin in wax laga beddelay natiijadii madaxtinnimo ee doorashadii sanadkii hore.
Sidoo kale waxay doonayaan in shaqooyinkoodii lagu soo celiyo afar ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee IEBC oo shaqada laga joojiyay.
Cabashada ay mucaaradka u gudbinayaan xafiiska madaxweynaha ayaa ah in hoos loo dhigo qiimaha cuntooyinka, shidaalka , korontada iyo qarashaadka tacliinta ee laga qaado ardayda.
Wasaaradda maaliyadda ayay sidoo kale doonayaan inay u soo jeediyaan inay ismaamullada ku wareejiso miisaaniyadda aan weli la siin iyo in shaqaalaha dowladda ay xilliga habboon qaataan mushaarkooda billaha ah.
Sidoo kale waxaaa mucaaradka u qorsheysan inay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC kala hadlaan in si ay cadaalad ku dheehan tahay loo shaqaaleysiiyo dadka shacabka ugu adeegaya xafiisyada dowladda , in qowmiyadaha dalka ay geeddisocodkan ka dhex muuqdaan oo aan qabiil gaar ah lagu koobin.
Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aanan cidna loo xirin falalkii lagu weeraray beerta qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo shirkaddiisa Spectre.
Hoggaamiyaha Azimio ayaa sheegay in socdaalkooda maanta uu ka billaaban doono xarunta Nairobi Central Park ka hor inta aynan isugu tagin bartamaha caasimadda dalka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top