skip to Main Content

Aqalka Sare oo Qorsheynaayo in uu Bisha 9aad Fadhiyadiisa ku qabto ismamulka Turkana

  1. By Ayanle Dhiire (Boundless Media) 

Haddii maanta la ansixiyo , senatarrada aqalka sare ayaa inta u dhexeysa 25-ka ilaa 29-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan kalfadhiyadooda ku yeelan doono ismaamulka Turkana.
Waxaa soo jeedin arrinkan ku aaddan aqalka sare hor geeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda Aaron Cheruiyot .
Kulamadan oo loo yaqaano Senate Mashinani ayaa bishii Sagalaad ee sanadkii 2018-kii lagu qabtay ismaamulka Uasin Gishu.
Sanadkii xigay ee 2019-kii waxaa lagu qabtay ismaamulka Kitui.
Sanadihii 2020 iyo 2021 lama qaban saameynta cudurka COVID-19 awgeed.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka sidoo kalena hoggaamiyaha guddiga howlaha senate-ka Amason Kingi ayaa soo jeediyay in kalfadhiyada golahan hal toddobaad oo ka mid ah bisha Sagaalaad lagu qabto meel ka baxsan Nairobi.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in senatarrada ay fursad u helaan inay isdhexgal la sameeyaan shaqaalaha galayaasha hoose ee ismaamullada oo ayna is waydaarsadaan dhaqamada ugu wanaagsan ee dhanka xeer dejinta iyo howlaha kale ee baarlamaanka!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top