skip to Main Content

Garissa ‘ Arday macalinkiisi Mindi ku dhaawacay!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media) Garissa 

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa, Boaz Cherutich ayaa uga digay ardayda inaysan weerarin macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada, isagoo sheegay in kuwa lagu helo dambi ay wajihi doonaan sharciga.

Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay waalidiinta iyo macallimiinta inay iska kaashadaan sidii loo yareyn lahaa dhacdooyinka dhaqan xumada ah ee ay ardayda ka gaysanayaan dugsiyada.

Hadalka guddoomiyaha ayaa yimid ka dib markii arday dhigta fasalka lixaad ee dugsiga hoose dhexe uu dhaawac halis ah u gaystay haweeney macallimad u ahayd.

Boaz Cherutich ayaa tani ku tilmaamey fal ceeb ah.Ardayga ayaa macallimadda weerarray ka dib markii wax laga weydiyay sababtii uusan u soo xaadirin fasalka xilli ay socdeen maadooyiin qaar tan iyo markii iskuullada dib loo furay sanad dugsiyeedka labaad ee sanadkan.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa ayaa sido kale sheegay in waalidiinta ardaygaasi ay dhigeen xabsiga si loo tuso inuu sharciga shaqeynayo!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top