skip to Main Content

Arrinta ugu weyn ee ay isku hayaan DF iyo PUNTLAND

Garoowe (Boundless media) – Wasiirka Maaliyadda Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Puntland uga hortimid hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo arrinta ay isku hayaan dowladda federaalka.

Wasiir Dhabancad ayaa waxa uu shaaciyay in Puntland ay diidan tahay qorshaha mideynta hanaanka maaliyadeed ee dalka, taasi oo ay dooneyso dowladda federaalka, ayada oo weli heshiis wadar ogol ah aan laga gaarin.

“Sababta aan isku hayno dowladda federaalka waa in Muqdisho aragtida ay qabto shuruucda ku dhisto, anaguna waxaa leenahay miiska ha la iskugu yimaado oo ha laga heshiiyo,” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland oo la hadlay BBC.

“Waxay rabaan in nidaamka maaliyadeed la mideeyo oo hal irid leh, waxa uu halkaas irid ka hor imaanaya Dastuurka KMG ee Federaalka, dowladda federaalka waa ku raacday IMF iyo Bangiga Aduunka oo ma dhihin waxan Dastuurkeena ma waafaqsana.”

Wasiirka ayaa waxa uu ku dooday in dalka uu federaal yahay, sidaas darteed uu maamul kasta u madax banaan yahay nidaamkiisa maaliyadeed, ayna marnaba aqlabeyn in toos loo hoos geeyo Xamar, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa la raadinayo waxa kamid ah in la mideeyo canshuuraha, akoonada ay ku shaqeynayaan maaliyadaha iyo hanaanka maaliyadeed oo dhan la mideeyo oo Xamar la dhigo, oo ay sahlanaanto in halkaas wax walba laga maamulo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay isku hayaan dowladda federaalka ee salka ku haysa hanaanka deyn cafinta u baahan tahay wada-hadal, ayna diyaar u yihiin ka maamul ahaan inay kala fariistaan madaxda sare ee dalka.

“Deyn cafinta iskama imaneyso waxay rabtaa in hanankii dalka la isku dhiso oo hanaankii maaliyadeed la dhiso oo hal mid laga, hanaankii canshuuraha mid laga dhigo anaguna taas ma qabno. Marka waxaa rabnaa in dalka heshiis yahay, oo anaga waxaa qabnaa in hanaanka canshuurahayga u madax banaanahay.”

“Waxaa leenahay in miiska wada-hadalka ay dowladda federaalka ogolaato in la isku yimaado. Puntland waxay diyaar u tahay in dowladda federaalka wada-hadal la galno oo kala hadalno arrimaha awood qeybsiga, kheyraadka iyo dalkaan federaalnimadiisa sida ay noqoneyso.”
Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda Xasan Sheekh ay hore usii waday wixii ay isku hayeen dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo, “Wixii aan diidaneyn oo madaxda dowladda federaalka ee hadda joogta ay nala diidaneyd in hore loo sii wado, waxaa ku qasbanaanay in aan banaanka ka istaagno.”

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top