skip to Main Content

Waqtigey dhaceysaa munaasabadda 1-da Luuliyo, halkeesa lagu qabanayaa? + Sawirro

Muqdisho (Boundless media) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamnisay in munaasabadda 1-da Luuliyo sanadkaan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, kaas oo bilo ka hor cabsi badan laga qabay in bulsho badan ay isugu tagto.

Soomaaliya waxaa ka socda dabaal-degga toddobaadka xorriyadda, hadda waxaa dhiman munaasabadda ugu weyn 1-da Luuliyo, taas oo Sabtiga gelinka dambe ka dhici doonta garoonka Stadium Muqdisho.

Guddiga qaranka ee dowladu u xil-saartay qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadkaan ayaa go’aamiyey in sanadkaan munaasabadda lagu dhigo Stadium Muqdisho.

Maalinta 1-da Luuliyo, waxaa Soomaaliya ka dhaca munaasabadda ugu weyn, maadaama ay kulansatay midowgii koonfur iyo waqooyi iyo xornimadii gobollada koonfureed ee dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa looga go’ay garoonkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dib u dayac tirtay, kadib markii ay hoobiye ku garaaceen mar lagu qabtay ciyaar kulmisay dadweyne badan.

Hadda waxaa soo hagaagay amniga Muqdisho, waxaana lagu rajo weyn yahay in munaasabadaas ay si nabad ah uga dhacdo Stadium Muqdisho, maadaama ciidanka xasilinta caasimadda ay dhanka amniga ka soo hooyeen natiijooyin amni oo bulshadu wada dareentay.

Guddiga ay dowladu u xil saartay howshaan ayaa kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubbaridka dabaaldaga munaasabada 1-da Luuliyo ku yeeshay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankaas oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dubbaridka munaasabada maalmaha xorriyada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda cayaaraha dalka.
Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaas.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top