skip to Main Content

Auburn oo heli doona 3.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah si loogu Saaro sunta rinjiga gidaarka si logo sari sunnas inkabadan 100 guri.

Ku dhawaaqis ka timid Sen.Susan Collins, oo ka tirsan Sanetka Maraykanka waxa la sheegay
in Auburn ay maalinta isniinta ah heli doonto 3.4 milyan oo Doolarka Maraykanka ah si wax
looga qabto sunta rinjiga, dakhligoodu uu ka caawin doono sido kalena caruurta leh ay uga kaaftoomi doonan arintan.

Sida lagusoo tabiyay warsaxaafaded, Collins oo xubin sare ka ah gudi hoosaadka qoondaynta
guriyaynta, aya warqad uu ku muujinayo taageero ayuu ku xusay magaca Auburn u qoray
waaxda guriyaynta iyo horumarinta magaalooyinka Maraykanka.

Gobalka Lewiston Auburn wuxuu la halgamay heerar sare oo ah sunta rasaasta xabada ila
2019, ayaa wali lagu xisaabiya kiisaska ugu badan ee gobalka sunta. Sunta rasaasta ayaa la
ogyahay inay sababto naafada,cilada maqnaanshaha amaba in feegij la’aan keento taason
waxba laga qaban karayn.

Deeqdani waxay runtii wax ka badalysaa beesheena iyadoo hubinysa xaaladooda caafimaad si
dadkyga dagan ugu koriyaan Qoysaskooda ayuu yiri duqa magaalada Auburn Jason Levesque,
waxan umahadcelinaya sanetor Collins oo u doodista xoogan ee maalgalinta gacan ka gaystay.

Maalgalintan oy adeegsan doonaan barnaamijka hogaamiyayaasha Auburn’s iyo barnaamijka
guriyaynta caafimaadka, siloosoo afjaro ku sumawga rasaasta lana taageero ganacsiyada
yaryar iyo sidokle inla hawl galiyo shaqaalaha maxaliga ah.

Lacag bixintan oo lagu bixiyay barnaamijka dhimista khataraha ka imanaya iyo maalgalinta
dheeraadka ah ee Caafimaadka.

Wuxuu intaa kusii daray in uu rajaynayo qorshe shaqo oo rasmi ah Barnaamijkan ayuu
rajaynaya inuu bilaabmo aqoonsiga mashaariicda iyo dhaqan galinta lacagaha bilawga 2022 .

Lewiston Auburn ayaa helay deeqo dhawr ah siloogu xakameeyo cudurka rasaasta, Lewiston
wuxuu helay isla maaliyadii 2017 kaasoo lagu abaalmariyay 5.2 milyan oo doolarka Maraykanka
ah.

Auburn oo heli doona 3.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah si loogu Saaro sunta rinjiga gidaarka si logo sari sunnas inkabadan 100 guri.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top