skip to Main Content

Mareykanka oo sheegay arrin ay ka wada-shaqeyn karaan Taalibaan

by abdinajib abdullahi
Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Jeneral Mark Milley ayaa sheegay “inay suurta-gal tahay” in Mareykanka ay Taalibaan ka raadiyaan wada-shaqeyn la xiriirta duqeymaha ka hortagga argagixisada ee ka dhanka ah kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee Afghanistan.
Milley ma uusan bixin sharaxaad dheeri ah, hase yeeshee hadalladiisa ayaa u muuqda kuwa soo jeedinaya qorshe deg deg ah oo ay ku wada-shaqeynayaan Taalibaan.
Taliyayaasha militariga Mareykanka ayaa si maalinle ah iskaashi ula sameynayey taliyayaasha Taalibaan ee ku sugnaa banaanka garoonka Kabul, saddexdii toddobaad ee lasoo dhoofay, markii ay dad gaaraya 124,000 kasoo daad-gureynayeen halkaas.

Hase yeeshee arrirntaas ayaa loo arkay mid dan ugu jirta labada dhinac, mana muujin wax astaamo ah oo ay kusii wadayaan xiriir joogto ah mustaqbalka.
Heerka uu la ekaan doono xiriir mustaqbalka dhex-mara Mareykanka iyo Taalibaan ayaa ah mid ka mid ah arrimaha u baahan in la xaliyo. Howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Kabul ayaa loo raray Doha.
Madaxweyne Joe Biden ayaa dhowr mar sheegay in Taalibaan ay cadow xooggan yihiin kooxda Daacish ee Afghanistan, taasi oo muujineysa inay jirto dan ay wadaagaan labada dhinac.
Si kastaba, Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austin ayaa shaki ka muujiyey in wada-shaqeyntii militariga Mareykanka iyo Taalibaan ku dhex-martay garoonka Kabul ay horseedi karto xiriira mustaqbalka ah.
Sidoo kale, beegsiga mintidiinta Afghanistan ayaa aad u adkaan doonto, ayada oo wax ciidan ah aysan Marreykanka ka joogin dalkaas, ama aanay jirin ciidanka dowlad saaxiib la ah, oo la wadaaga sirdoonka.
xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

 

 

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top